Home Wararka Faransiiska Hal qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena way ku dhaawacmeen mindi lagu...

Hal qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena way ku dhaawacmeen mindi lagu weeraray meel u dhaw Lyon

22
0
SHARE

http://thedotzcompany.com/product-category/dotz/magicpak/ Ninkan falka ka geestay  magaalada Lyon ee dalka Faransiiska Sabtidii, ayaa ku dhintay wiil   19 jir ah oo ugu yaraan meesha 8  kale ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan saddex qof oo  si xun ugu dhaawac meen.

Seroquel overnight Ilo boolis ah ayaa sheegay in dambiilaha la sheegay inuu ahaa magangalyo-doon Afqaanistaan ​​ah, oo aan horey u ogeyn booliiska iyo sirdoonka labadaba.

Qof goobjooge ah oo ku sugan Villeurbanne, oo ah xaafad ku taal Lyon, ayaa weerarka ku tilmaamay mid la wuxuushnimo ah.

Goobjoogayaal ayaa saxaafada u sheegay

“wuxuu  mindi ku garaacay nin madaxa ayuu kaga  jaray, wuxuu gooyay dhegta gabadh, haweeneyduna waxay ku caraysay  dhanka baska mana jirin cid caawisa,” ayay raacisay, iyadoo ooyaya.

Waxay aakhirkii ku guuleysatay inay haweenayda la saarto bas, kaas oo albaabbadiisa xidhay isla markaana ka kaxeeyey goobta.

“Meel walba dhiig ayaa ka jiray,” ayay raacisay.

Siddeedda qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, saddexdu waxay ku jireen xaalad halis ah, ayuu yiri xafiiska xeer-ilaaliyaha. Kalkaaliyayaasha caafimaad ayaa goobta ka daaweeyay 20 qof oo kale oo argagaxay.

Duqa magaalada Lyon Gerard Collomb, oo hore u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, ayaa booqday goobta uu weerarku ka dhacay laakiin hadalada suxufiyiinta ayaan laga soo qaadan doonin waxa ka careysiiyay. Ninkii fuliyay weerarka ayaa si kadis ah u dhacay, ayuu yiri.

Duqa magaalada Villeurbanne, Jean-Paul Bret, ayaa amaan balaaran u jeediyay dadka goobta ku sugnaa iyo shaqaalaha amaanka ee saldhiga metro ee u dhawaa kaasoo ka badbaadiyey tuhmanaha isagoo isku dayay inuu baxsado.

Booliska ayaa qabtay ninkan la tuhunsan yahay in uu gaystey waxayna ku hayeen xabsiga iyada oo looga shakiyay dil iyo isku day dil, xafiiska xeer ilaaliyaha Lyon ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Sababta keentay weerarka wali lama cadeynin. Xeer ilaaliyaha qaranka ee la dagaalanka argagixisada ayaa la ogeysiiyay laakiin ma uusan qaadin masuuliyada kiiskan.

Markii laga jawaabayo weerarka, Marine Le Pen, oo ah hogaamiyaha midigta fog ee National Rally, ayaa soo dhigtay barta ay ku leedahay twitter-ka “nacaybnimada iyo  siyaasadeena muhaajiriinta si dhab ah ayey halis ugu tahay amaanka dadka Faransiiska.

Lyon, waa magaaladii seddexaad ee faransiiska, ilaa hadana aysan wali la arkin mowjadaha weerarada jihaadiyiinta ah ee ay ku dhinteen 251 qof tan iyo sanadkii la so dhaafay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here